Heshiis Dhex Maray Maayirada Hargeysa iyo Jig Jiga
Maayarrada Magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo la xidhiidha sidii labada Magaalo loo mataanayn lahaa, dhinacyada iskaashiga hormarkana ay uga wada shaqayn lahaayeen.
Duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maayarka Magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed Macalin, ayaa heshiiskan maanta ku kala saxeexday Magaalada Hargeysa, iyada oo ay weheliyaan masuuliyiin labada magaalo ka socotay.

Heshiiskan oo daba socday isfaham hore ay u wada gaadheen labada dhinaca, ayaa waxa ka mid ah qodobada ugu waaweyn heshiiska ay gaadheen Mayaarada Magaalooyinka Jigjiga iyo Hargeysa:
-In la qabto hal maalin olole nadaafadeed iyo dhir beeris ah, oo labada magaalo ee Hargeysa iyo Jigjiga hal saacad ka wada dhaca, si loo muujiyo midnimada iyo iskaashiga.
– In shaqaalaha Dawladda hoose ee labada Magaalo tababarro iyo aqoon isweydaarsi loo qabto.
-In Maamulka Magaalada Jigjiga uu xaafad ama waddo u bixiyo Magaca Hargeysa, madaama Hargeysa ay ku taalo xaafadda Jigjiga yar.
-In laba meelood oo ka mid ah Magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga loogu magac daro Maayarada labada Magaalo Cabdikariim Axmed Mooge iyo Eng. Shaafi Axmed Macalin.
-In la qabto tartan ciyaareed sannadle ah, ka u horreeyana lagu qabto Magaalada Jigjiga.
-In la qabto tartan quraan oo si sannadle ah loo qabto, tartanka koowaadna lagu qabto Hargeysa.
-In lixdii biloodba shir lagu qabto mid ka mid ah labada Magaalo, si loogu lafo guro xoojinta iskaashiga labada magaalo.
Ugu dambayntii waxa ay labada dhinac magacaabeen guddiyo farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiiskan.