Haweenay Ajnabi Ah Oo In Muddo Ah Ku Afduubnayd Somaliya Oo Dib Loogu Celiyay Dalkeedii

0
390

Haweenay Ajnabi Ah Oo In Muddo Ah Ku Afduubnayd Somaliya Oo Dib Loogu Celiyay Dalkeedii

Haweeneeydaan oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo afduub loogu haystay Soomaaliya ayaa shalay ka dhooftay magaalada Muqdishu, iyadoo dib ugu laabatay dalkeeda Talyaaniga gaar ahaan Magaalada Roma.

Gabadhan oo lagu magacaabo Silvia Romano ayaa shalay la sii daayey, waxaana loo soo gacan geliyey ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kuwo caalami ah oo iskaashanaya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin dhinaca amniga ah.

Qoyska Silvia ayaa ku soo dhoweeyey magaalada Rome iyadoo u sii gudbeysa magaalada ay ka timid ee Milan.

Gabadhan ayaa waxaa bishii November ee 2018-kii ay dabley ka afduubeen deegaanka Kallifi ee dalka Kenya, waxaana kadib la keenay gudaha Soomaaliya dhulka ay ka taliyaan Ururka Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma cadda sida ay ku timid sii daynteeda oo uu Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Guisseppe Conte uu shalay rasmi ahaan ugu shaaciyey bartiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here