Guuldaradii Afraad Oo Ay Ku Jirto Dacwadii Bada Oo Ku Dhacday Dowlada Kenya Maxayse Tahay Guuldarada Cusubi
Guul darro aad u wayn ayaa ku dhacday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay dowladdu wadatay oo aasaasi u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka.
Garsooreyaasha xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu howlanaa isbaddalka, oo loo yaqaanno Mashruuca Dhismaha Buundooyinka (BBI).
Waxay garyaqaannada maxkamaddu sheegeen in mashruucan loo baahnaa inay hoggaamiyaan shacabka balse aan loo baahneyn inuu horkaco madaxweynaha xilka haya.
Guul darradan ayaa timid xilli aad muhiim ugu ah dowladda oo ay soo socdaan doorashooyinka guud ee bisha August.
Mr Kenyatta ayaa horay xilka madaxweynaha u qabtay labo jeer, suurtagalna uma aha inuu mar kale isu soo sharraxo, balse wuxuu doonayay in uu dhaxalkiisa ka dhigo hirgelinta mashruuca BBI, kaasoo uu ku dooday in uu diyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid ka fiican sidii hore, laguna yareynayo qalalaasaha siyaasadeed.
Waxaa la saadaalinayay in Kenyatta uu mashruucan ka heli lahaa door hoggaamineed oo mar kale uu dalka ka qabto.
Qodobbada ugu waaweyn ee diiradda la saari lahaa waxaa ka mid noqon lahaa in la abuuro xil cusub oo Ra’iisul Wasaare.
Waxaa la isla dhex marayay hadal heyn isasoo taraysay oo ku saabsan in Mr Kenyatta uu damacsanaa helitaanka xilkaas, haddii siyaasiga mucaaradka ugu weyn ee markii dambe xulafada la noqday madaxweynaha, Raila Odinka, uu ku guulaysto xilka madaxweynaha.
Mr Odinga ayaa doorashada kula tartamaya Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, oo ay is khilaafeen Mr Kenyatta.
Ruto ayaa si weyn uga soo hor jeeday mashruuca BBI.
“Qorshahan oo dhan wuxuu iila muuqday isku day lagu raadinayay in aniga dowladda la iiga eryo,” ayuu Ruto ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da, horaantii bishan. “Waxa loogu yeeray ‘Dhismaha Buundooyinka’ laguma dhisayo buundo.”
Inkastoo dad badan oo falanqeeya siyaasadda ay u arkaan go’aanka ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah guul usoo hoyatay Mr Ruto, dadka sida saxda ah u guuleystay waa shacabka Kenya qaarkood oo maxkamadaha ugu hooseeya ilaa tan ugu sarreysa la gaaray dagaalka ay ku difaacayeen Dastuurka waddanka, oo ay kasoo horjeedeen in isbaddal lagu sameeyo iyagoo aan laga qayb gelinin.
Guul darradii afaraad
Tani waxay noqonaysaa guul darradii afaraad ee ku dhacday xukuumadda Kenya iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Sanadkii lasoo dhaafay, dhowr bilood gudahood ayay dowladda ku dhaceen saddex guul darro oo ay ku jirtay tii ku saabsanayd dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.
Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda.
Waxay guul darrooyinkaas ka mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood xilligaas ka hor ahayd:
Dacwadda Badda
Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ.
Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya.
Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”.
Diiwaangelinta shacabka Kenya
Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd.
Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado.
Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka.
Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar.
Mashruuca BBI
Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka.
Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale.
Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay.
20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI.
Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas.
Laakiin Dowladda ayaa usii gudubtay maxkamadda ugu sarreysa dalka, taasoo maanta mowqifkeeda caddaysa, isla markaana quusisay dowladda.
Heerarka maxkamadaha Kenya ayaa kala ah, Maxkamadaha hoose, Maxkamadda sare, Maxkamadda Racfaanka iyo meesha ugu dambaysa oo ah maxkamadda ugu sarraysa.
Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda.