Gudoomiye Ciro Muxuu Gabay U Hadalka Masuuliyiinti Xisbigiisa Ka Xidhanayd?+Xukuumada Oo Maxkamad Soo Taagtay Saaka

0
542

Gudoomiye Ciro Muxuu Gabay U Hadalka Masuuliyiinti Xisbigiisa Ka Xidhanayd?+Xukuumada Oo Maxkamad Soo Taagtay Saaka

Hargaysa (Dalmar-News) Tan iyo Marki la xidhay afhayeenki iyo xoighayihii zisbiga wadani waxaa shacday in gudoomiye ciro aanu qaadin wax talaabo cad uu ku cambaaraynayo xadhiga masuuliyiintiisaa. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Xisbigaasi Barkhda Jaamac ee xidhnaa muddo Toddoba cisho ah, ayaa saaka la hor keenay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, waxaana ay Maxkamaddu u jartay Afar cisho oo Rumaan ah oo ay ku xalaalaynayso xadhiga mas’uuliyiintaasi.

Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), waxa aanay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista.

7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera.

Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here