Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay Golaha Shacabka inuusan u dhisneyn duminta Xukuumadda

0
619

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay Golaha Shacabka inuusan u dhisneyn duminta Xukuumadda

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan sheegay in Golaha Shacabka aysan aheyn Hay’ad loogu tala galay in ay hor istaagto shaqooyinka Xukuumadda ama ay dumiso.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay Ogaadaan in Golaha Shacabka ay yihiin Hay’ad Sharci dejin ah oo loogu tala galay in ay la xisaabtanto Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan idiin cadeynayaa dhawr marna aan ku cel celiyay, Baarlamaanka Somaliyed wuxuu u dhisan yahay inuu wax dhiso, uma dhisno inuu wax dumiyo, wuxuu u dhisan yahay in masuuliyadda loo dhiibtay uu kula xisaabtamo Golaha fulinta ee uma dhisno inuu dumiyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kalfadhiga soo socda ayuu sheegay in ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka.

Mursal ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo soo gudbinta sharciga doorashooyinka Qaranka iyo in Afti dadweyne loo qaado dastuurka ka hor inta aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here