Guddoomiye Cabdi Xaashi “Baddeena ma ahan Neef qof suuqa iska geysan karo, mana qaadan karto Itoobiya.

0
80

Guddoomiye Cabdi Xaashi “Baddeena ma ahan Neef qof suuqa iska geysan karo, mana qaadan karto Itoobiya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay kulan wada jir ah oo ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka sheegay heshiiskii dhawaan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland in uu yahay mid ku xadgudbaya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlay ayaa yiri, “Dowlada Itoobiya oo sida aan la socono weligeed iyo allaheedba raadineysay in ay qyeb Soomaaliya ka mid ah ay hesho oo afar xukun oo isaga dmabeeyay, kii Menilik ilaa dowladdii Meles, ntuba waxay ku taamayeen inay qeyb Soomaaliya helaan, gaar ahaan bad bay aad u daneynayeen.”

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay go’aanka ka soo baxay Itoobiya, “Waxaan aad uga xumahay inaan maqlo Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa Addis Ababa ku yeeshay oo ah warka afar weerood oo af-amxaar ku qoran markaan shalay salaaddii maqrib tukaday kusoo dhacay telefoonkeyga.”

Cabdi Xaashi oo sii hadlaya ayaa yiri, “Afar weerood oo af-amxaar ku qoan, waan aqriyay, waxay igu noqotay mucjiso iyo la yaab, halkaas waxaa ku qorneyd, Itoobiya waxay heshay dekad ay yeelatay. Waxaan aad iyo ada uga xumaaday erayadii meesha ku qornaa, mid wuxuu ku leeyahay Itoobiya oo sanado badan dekad la’ayd dekad bey yeelatay, waa arrin aad iyo aad looga naxo, waxaa kale oo uu leeyahay Badda Cas waxaan ka helnay albaab ay horumarkeenna kaalin weyn ka qaadaneyso.”

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hadlakaan ka sheegay kulan aan caadi ahayn kaas oo ay wada yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbad ka jeedinayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.