“Guddi baadhiseed ayaanu u saarney gaddoodkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee degmada Borama”Wasiirka Cadaaladda JSL.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay guddi baadhitaan u saartay gadood ay sameeyeen maxaabiistii ku jirtay Xabsiga dhexe ee degmada Borama, ee gobolka Awdal taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, u tagey xalinta shaqaaqadii ka dhacday magaaladaasi, ayaa BBC Somali, u sheegay in la xaliyay xaaladii ka dhalatay arrintaasi.
Waxaanu yidhi. “Xabsiyada Somaliland xaaladoodu meel fiican ayay mareysa, mudadii aanu joogneyna wax fiican ayaanu ka qabaney.
Xabsiga Borama Maxaabiisba gadooday, maxaabiista dhexdoodana dhibaatadu way ka dhacaan iyaguna waxay ka cabanayaanba jira, oo markaasi ay ka gadoodaan, qof xidhana waad dareemi karta cabashadiisu wey badnaaneysa.
Marka arrintaasi guddi baadhiseed ayaanu u saarney gaadoodkii dhacay xabsiga dhexe ee degmada Borama, go’aanka ay soo saarna waanu idinla wadaagi doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo”