Gobollo Badan Oo Ka Tirsan Mareykanka Oo Laga Qaadayo Bandowga

0
400

Gobollo Badan Oo Ka Tirsan Mareykanka Oo Laga Qaadayo Bandowga

Gobollo badan oo Mareykanka ah ayaa bilaabaya inay qaadaan amarrada bandawga iyadoo dhanka kalena hogaamiyaasha Mareykanka ay yidhaahdeen kala fogaanshaha bulshadu waa lagama maarmaan noqon doonta xagaaga oo dhan.

Laakiin guddoomiyaasha ayaa ka digaya in noloshu si dhakhso ah u soo laaban doonin sidii caadiga ahayd, xayiraadahaasi waxay kusii negaan doonaan meelaha qaarkood si looga ilaaliyo inuu feyrasku soo laba kaclaynin.

Jimcihii, Mareykanka wuxuu arkay kor u kacii ugu badnaa hal maalin, kiisaska la xaqiijiyey.

Laakiin heerka feyraskan ayaa si aad ah hoos ugu dhacay dhowr meelood oo ay ka mid yihiin New York, oo ahayd xudduntii feyraskaasi ee Mareykanka.

Xogtii u danbaysay ee Axaddii, Mareykanka waxa ay marayaan dadka qaaday 940,000 kiis, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins, iyo in ka badan 54,000 oo dhimasho ah.

Khubarrada caafimaadka bulshada ayaa ka digaya in ka noqoashada xayiraadaha ay sababi karto mowjad labaad oo cudurkaasi ah. Go’aanka lagu joojinayo amarrada qasabka ah ayaa imanaya iyadoo in kabadan 26m oo Mareykan ah ay raadinayaan wax ka difaaca shaqo la aan, iyadoo heerka shaqo la’aantu ay gaadheyso ilaa 16%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here