Ghana oo laga xaqiijiyay in ay joogto nooc cusub oo Keneeco ah.

0
175

Ghana oo laga xaqiijiyay in ay joogto nooc cusub oo Keneeco ah.

Waaxda Adeegga Caafimaadka Ghana ayaa sheegay in uu xaqiijiyay joogitanka Dalkaas nooc cusub oo Kaneeco ah oo baaris lagu wado inta ay gaarsiisan tahay halista ka dhalan karta si loo raadinayo daawada ku habboon.

Meelaha biyaha fadhiyaan & harooyinka Dalkaas waxaa ka socda baaris xooggan oo la xiriirta kahortagga cudurrada ka dhalan kara si aanay u noqon mid dabarjarta Bulshada ku nool dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika.

Adeegga Caafimaadka Ghana ayaa dadka usoo jeediyay in aanay dhayalsan Kaneecada oo la xiriiraan dhaqaatiirta & goobaha baarista haddii qofka ay cunto lagu arko calaamado muuqda & kuwo qarsoon.

Warbixinno kala duwan oo ay diyaarisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadihii u dambeeyay ay korortay halista Kaneecadu ay sababto oo xitaa gaartay Geeri.

Afrika haba ugu badnaatee waxaa ku badan Kaneecada iyada oo meelaha ugu badan fatahaadda & daadadka ku rogmada lagu arko noocyo cusub oo kaneeco ah oo u baahan baaris dheeraad ah si looga hortago halisteeda.

Qaramada Midoobay ayaa sanad weliba marka la gaaro 25ka April waxa ay maamuustaa maalinta ay u gaarka yeeshay Kaneecada, iyada oo soosaarto warbixin ay ku muujineyso halisteeda, tirada ay nafta dhaafisay & qaabka looga hortagi karo.

Warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO kasoo saartay 25kii April 2022 ayay ku sheegtay in sanad weliba ay halista Duumada (Kaneecada)wajahaan 3.4 Bilyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here