GAROOWE : Ciidamada Puntland Oo Howlgalo Ku Qabtay Rag Looga Shakiyey Falal Amni Darro

0
269

GAROOWE : Ciidamada Puntland Oo Howlgalo Ku Qabtay Rag Looga Shakiyey Falal Amni Darro

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah howlgalo kala duwan ka sameeyay gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas, ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Booliska ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay rag farabadan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha kasoo horjeeda Puntland, waxaana raggaas la qabtay lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Booliska.

Howlgalkan oo ah mid uu hoggaaminayey Taliyaha qaybta Booliska Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay in lagu baadi goobo kooxaha falalka amni darro wada iyo kuwa ka Ganacsada Mandooriyaha oo xogtooda ay hayeen Ciidanka.

Ciidamada ayaa sido kale baaritaano ku sameynayay qaar ka mida hotelada, guryaha iyo gadiidka noocyadiisa kala duwan ee Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda Maamulka.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Xussen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada faray inay u dhimriyaan Bulshada, isagona sido kale faray ciidanka howlgalka ku jira in aysan wax xabada ridin si xasilooni loo daremo, isla markaana amarkaas ay qaatan ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here