Gabar u dooda xuquuqda haweenka Pakistan oo Magangalyo ka codsatay Mareykanka

0
412

Gabar u dooda xuquuqda haweenka Pakistan oo Magangalyo ka codsatay Mareykanka

Haweeney u dooda xuquuqda dadka Pashtun ka ayaa ka baxsatay dalka Pakistan waxaana magangalyo ay weydiisatay Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen Ehelkeeda iyo shaqsiyaad ay shaqo wadaag Yihiin.

Gulalai Ismaaciil, oo 33, jir ah ayaa mudo bilo ah si dhuumaaleysi ah ku joogtay gudaha Pakistan kadib markii ciidanka Amniga isku dayeen in ay ka qabtaan gurigeeda oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Islamabad, sida uu warbaahinta u sheegay aabaha dhalay oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil.

Cod maqal ah oo ay sii daysay hey,ad u dooda xuquuqda bani aadamka oo laga leeyahay Mareykanka ayaa dhankeeda xaqiijisay Arintaan.

Waxaan ka dagay Mareykanka waxaa ku howlanahay in aan dalbado codsi magangalyo, bilo kadib nasiib ayaan leeyahay in aan wali Noolahay.

Aabaha dhalay ayaa sidoo kale tilmaamay in gabadhiisa ay sii wadan doonto howlaheeda maadaama ay gaartay magaalada New York.

Mrs Gulalai Ismaaciil ayaa sanadkii 2016-kii aas aastay hey,ad ka warqabta xuquuqda gabdhaha, waxaana laba mar sanadkii hore xiray ciidanka Amniga Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here