Gabar Soomaali Ah Oo Ka Qeyb Gashay Tijaabada Tallaalka COVID-19

0
341

Gabar Soomaali Ah Oo Ka Qeyb Gashay Tijaabada Tallaalka COVID-19

Sahra Kaahiye oo ah Gabar Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaalla Magaalada Alberta ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Alberta ee qaata talaalka Covid-19.

Sahra ayaa sheegtay in qaadashada talaalkan ay u ahayd mid taariikhi ah  “Markaan subixii soo kacay ma filaynin inaan noqdo qofka kowaad ee Alberta ka qaata talaalka covid-19,” Ayey tiri.

Shaqaalaha caafimaadka ee labada magaalo ee ugu waaweyn Gobolka ayaa ugu horreyn qaadanaya talaalkan cusub ee cudurka coronavirus.

Sahra ayaa sheegtay in cirbaddan ay la mid tahay kuwa kale ee caadiga ah, balse aysan dareemin wax culays ama xanuun ah.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in madaxa midowga haweenka iyo carruurta Soomaalida ay tusaale u noqon doonto si ay u ogaadan in daawadan ay tahay mid aanan khatar lahayn meel walbana mar dhaw laga heli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here