Gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo Caronavirus kula dhacay Xabsi ay ku xiran tahay

0
414

Gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo Caronavirus kula dhacay Xabsi ay ku xiran tahay

Gabar u dhalatay dalka Iran oo caan ka aheyd baraha bulshada gaar ahaan Instagram ayaa xabsi ay ku xirneyd waxaa kula dhax dhacay caabuqa dunida ku faafaya ee Caronavirus.

Khishvand, oo Instagram looga yaqaano Sahar Tabar ayaa horey isugu ekeesiisay jilaayaal caan ah, waxa ayna gabadhan barta Instagram-ka ku laheyd taageerayaal badan oo la socday sawirada iyo waxa ay soo dhigto.

Gabadhan caanka ah ayaa xabsi la dhigay dhamaadka sanadkii hore kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kacday aflagaado iyo sidoo kale abuurtay khalalaaso sida ay ku eedeesay dowlada Iran.

Madaxa xabsiga ay ku xiran tahay gabadhan Shahr-e Rey ayaa beeniyay warka ku aadan in gabadhan uu xabsiga kula dhacay caabuqa Caronavirus, waxa uuna intaa ku daray in warkan la faafiyay uu yahay mid xaqiiqada ka fog.

Qareenkeeda Payam Derafshan ayaa warqad furan u qoray Wasaaradda Cadaaladda ku sheegay in Fatemeh hooyadeed ay u sheegtay in gabadheeda loo gudbiyay qeybta karantiilka ee xabsiga kaddib markii lagu arkay calaamadaha fayraska.

Dalka Iran ayaa kamid ah wadamada saameynta ugu badan uu ku yeeshay Caronavirus, waxaana dalkaasi cudurkan ugu dhintay kumanaan qof halka ay hada la il daran yihiin kumanaan qof oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here