Gaari ay wateen Ciidan katirsan Booliiska Kenya oo lagu qarxiyay Mandheera.

0
365

Gaari ay wateen Ciidan katirsan Booliiska Kenya oo lagu qarxiyay Mandheera.

Gaari ay wateen Ciidamo katirsan Booliiska Kenya ayaa lagu qarxiyay Deegaanka Dharqaale Degmada Taagaabo ee Ismaamulka Mandheera, Gaarigaan ayaa dul maray miino lagu aasay waddo uu marayay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Tiro rasmi ah oo khasaaraha gaaray Ciidamada la socday lama soo bandhigin, askar katirsan Booliiska Kenya oo saldhig ku leh meel aan sida uga fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa u gurmaday Ciidanka qaraxa haleelay.

Qaraxa ayaa burbur gaarsiiyay Gaariga dul-bannaanka ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliiska waxa ay kusoo qabteen Dad ay ku tuhmayaan qaraxaan waxa ay u wadeen mid kamid ah saldhigyadooda Baarista.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaan, qoraal lagu daabacay Warbaahinta ku hadasha Afkooda ayaa lagu sheegay in Khasaare dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidanka kenyanka ah inkasta oo aysan sheegin tiro rasmi ah.

Deegaanno katirsan Ismaamulka Mandheera waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo Miino iyo weeraro jidgal ah oo dhaliyay khasaaro dhimasho & dhaawac oo soo gaaray Askar Kenyan ah, Mas’uuliyiin la shaqeysa iyo Dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here