Gaadhi Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarka Oo Lagu Qabtay Degmada Guriceel Ee Maamulka Galmudug

0
402

Gaadhi Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarka Oo Lagu Qabtay Degmada Guriceel Ee Maamulka Galmudug

Howlgal qorsheysan oo ay degmada Guriceel ka sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug waxay xalay kusoo qabteen Gaari la sheegay in laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska laamaha ammaanka degmada Guriceel Taliyaha Ururka 72 guutada 15 ee Qeybta 21 G/le Axmad Daahir Cabdule oo ay wehlinayeen Xumno ka tirsan Maamulka Dagmda.

Dhankiisa G/le Axmad Daahir Cabdule oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Ciidanka Booliska degmada ay usuurta gashay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabtaan Gaari ay kurar nayeen walxaha qarax.

Laamaha ammaanka degmada kama aysan bixin faah faahin intaa ka dheeri ah arrintaas, sidoo kale ma aysan xusin in Gaariga ay lasoo qabteen xubnihii watay oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse warar ayaa sheegaya in ay goobta ka baxsadeen xubnahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here