Fly Dubai oo maanta ka dagtay garoonka Hargeysa, maalmo kadib markii ay DF hawada ka celiyay

0
466

Fly Dubai oo maanta ka dagtay garoonka Hargeysa, maalmo kadib markii ay DF hawada ka celiyay

Hargeysa (Dalmar-News) ― Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa maanta ka soo dagtay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, xili ay Dowladda federaalku ay sheegtay inay duulimaadyada caalamiga ah la joojiyey.

Fly Dubai oo dhowaan ay Dowladda federaalku ka celisay hawada Somaliland, ayaa maanta ka soo degtay madaarka Hargeysa, iyada oo aan wax digniin ah ama fariin ahba ka helin Maamulka hawada.

Diyaaradan ayaa la sheegayaa in ay sidey Alaab xamuul ah iyo mucaawino daawooyin ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya kuwa lagula tacaalo fayruska Corona.

Inkasta oo dowladda federaalku ay sheegtay in dalka aysan ka mamnuucin gar-gaarka deg-deg ah iyo mucaawinooyinka lagula tacaalayo Coronaha, ayaa haddana waxay ku soo aadeysa xili uu madaarka Hargeysa furan yahay oo ay diyaarada Ethiopian Airlines duulimaadyadeedii caadiga ah ku tagto.

Xukuumada somaalila d ayaa iyaduna dhankeeda mar kasta ku ceccelisa in ay hawadeeda iyadu maamulato oo aanay la maamulin dowlada Somaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here