Farmaajo oo si adag uga hadlay Xiisada u dhaxeysa Shirkadda Hormuud iyo NISA

0
57

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xannibaada iyo xariga hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kula kacday shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in xannibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, uu dhaawac ku yahay sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuurayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaana xusay in dalkeennu uu ka soo kabanayo duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, ayna muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

”Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka madaxweyne hore ee Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli hay’adda Nabad sugida Soomaaliya xirtay qaar kamid ah masuuliyiinta shirkada Hormuud , sidoo kale shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud ku leedahay Suuqa Bakaaraha.