Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Laba Sanno Muddo Kordhinta Loogu Sameeyay

0
268

Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Laba Sanno Muddo Kordhinta Loogu Sameeyay

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo ay maalin kahor ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo afurkii kaddib ee xalay uu saxiixay sharciga gaarka ee Jihaynta doorashooyinka.

Sharcigaan ayaa sheegaya in dalku aadayo doorasho qof iyo Cod ah oo lagu qabanayo muddo laba sanno oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ay u kordhiyeen hay’addaha dowladda Ferderaalka iyo Farmaajo.

Ururrada Bulshada Rayidka, Midowga Musharaxiinta, Madasha Badbaado iyo Beesha Caalamka ayaa siweyn uga soo horjeestay Go’aankii ay Golaha Shacabka ku sameeyeen muddo kordhinta labada sanno ah.

Sharcigaan uu saxiixay Farmaajo ayaa dhammaantood waxaa ay ka digeen inuu dalka Soomaaliya u horseedi karo xasillooni darro, isla markaana ku baaqay in dib looga laabto, lana qabto doorasho heshiis lagu yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here