Farmaajo Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Beesha Caalamka Oo Taageersan RW Rooble

0
351

Farmaajo Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Beesha Caalamka Oo Taageersan RW Rooble

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta la filayaa inuu aaladda fogaan arraga AH ee ZOOM-ka kulan kula yeesho Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xiisadihii siyaasadeed ee u dambeeyay ee dalku galay maalmihii la soo dhaafay kana dhashay shaqo joojinta uu Maxamed Farmaajo ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Farmaajo kala arrisan doota sida aan wararka ku helnay dejinta xiisada ka dhalatay tallaabada uu shaqada uga joojiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, xili khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu gaaray meel xun.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, kaasi lagu dardargelinayo doorashooyinka, laguna saxayo habraacyada doorashada.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ayaa sii xoogeystay, wuxuuna khilaafkooda uu salka ku hayaa Arrimaha doorashada dalka, halka Farmaajo uu Rooble ku eedeeyay ku takrifal dhul ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here