Faransiiska oo Madagascar dib ugu celiyay Madaxa dad uu xasuuqay 128 sano kahor!
Dalka Faransiiska ayaa Madagascar dib ugu celiyay saddex kamid ah madaxa qalfoofta dad dagaal adag kula galay dalkaas 128 sano kahor, waxa uu haraadiga jirkooda ku hayay madxaf ku yaalla Magaalada Paris, ugu dambeyn dib ayuu u celiyay.
Qalfoofta la helay waxaa kamid ah Boqor Toera oo ka talinayay Dalkaan Jasiiradda ah ee Madagascar iyo labo kamid ah ilaaladiisa sida dhow ula socotay, markii ay dileen ciidanka Faransiiska ayay madaxooda u qaadaan Magaalada Paris.
Wasiirka Dhanka Faransiiska Haweeneyda lagu magacaabo Rachida Dati ayaa munaasabadda ka dhacday Magaalada Paris ku sheegtay in tani ay muujineyso raad-raaca hardankii colaadeed ee dhexmaray labada Dal muddo haatan laga joogo 128 sano.
Faransiiska oo kamid ahaa Dalalkii reer Yurub ee gumaystay Qaaradda Afrika ayaa billaabay in uu baab’iyo raadadkii aan wanaagsanayn ee dhaxalka xun ugu noqday Qaaraddaan, si uu dib ugu soo celiyo cilaaqaadka dalal badan waxa uu qaaday tallaabooyin kala duwan.