Falastiin & Israaiil oo shuruudo adag is hor dhigay si xal loogu helo xaaladda Gaza

0
74

Israaiil iyo Mareykanka ayaa u xusul-duubaya sidii loosoo deyn lahaa Maxaabiista ciidanka iyo Shacabka isugu jirta ee gacanta u gashay Falastiin si ay u joojiso duqeynta arxan-darrada ah ee ka dhanka ah Shacabka Dulman ee Falastiin.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo xogahaan uu kasoo xigtay Teleefishinka Aljazeera oo si dhow uga xog-warrama xaaladda ka taagan Magaalada Gaza, Mareykanka ayaa gadaal ka riixaya xal aan xabbad ahayn oo lagu soo deyn karo maxaabiista laga heysto.

Israaiil ayaa go’doomisay Magaalada Gaza iyada oo ay ku garaaceyso gantaallo culus oo qaarkood halis ah kana deyriyeen hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha isticmaalkooda maadaama horay loo mamnuucay.

Haddaba si kooban haddii aynu u eegno shuruudaha labada dhinac ee Maxaabiis is dhaafsiga iyo joojinta dagaallada lagu lamaaniyay duqeynta xooggan ee uu xogta ka helay Teleefishinka Aljazeera waxa ay kala yihiin:

Israaiil ayaa dalbatay in go’doonka Gaza ay keliya ku qaadi karto marka guud ahaan loosoo daayo Maxaabiista ay heysato Falastiin gaar ahaan Xamaas balse waxa ay diiday in ay ku dhawaaqdo xabbad-joojin waayo waxa ay ku xirtay in marka la fuliyo shuruudda 1aad kaddib ay kawada hadli karaan.

Maxaas ayaa shuruud ka dhigtay in ay Yuhuuddu u gacan geliso Maxaabiista ay ka heyso in keliya ay sii deyneyso Dadka da’da ah iyo kuwa caafimaad ahaan aadka u liita balse aanay sii deyn doonin askarta ay heysato.

Shuruudda adag ee hortaalla sii deynta Dadkaas Da’da ah iyo kuwa caafimaad ahaan liita waa duqeynta arxan-darrada ah ay joojiso Israaiil, Gargaarka bani aadamnimo fasaxdo isla markaana go’doonka ay ka qaado Magaalada Gaza.

Mareykanka oo ka duulaya dardarta iyo awoodda ay ku socdaan Falastiiniyiinta ayaa durba billaabay in uu Dalka Qadar u bandhigo sidii wadahadal uu gar-wadeyn ka yahay waddankaas loo furi lahaa si loosoo gaabiyo sii socoshada dhiigga-baxa badan ee Bariga Dhexe ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here