Eretareeya oo raadinaysa in laga qaado cunaqabataynta muddo dheer saar
Dowladda Eretareeya ayaa raadinaysa dhabbihii ay u mari lahayd in Maraykanka uu ka qaado cunaqabataynta muddo kahor uu saaray, dedaallo kala duwan oo Washington & Asmara sameeyeen si ay isku fahmaan ayaa miiska lasoo dhigay soo jeedintaas oo aan weli lagu guulaysan.
Diblumaasiyiin u dhashay Dalka Eretareeya ayaa soo jeediyay in Maraykanka uu qaado tallaabo uu meesha uga saarayo cunaqabatayntaas oo dhibaato siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ku ah Dalkaas, waxa ay diyaariyeen qorshe cad oo Madaxweyne Donald Trump loogu gudbinayo arrintaan.
Eretareeya ayaa sababaha ay cunaqabataynta u mutaysatay lagu sheegay in colaad muddo soo jiitamaysay ay ku wajahday Itoobiya oo ay ka go’day 1993dii, faragelin ay ku samaysay Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika oo galaangal xooggan ku yeelatay Dowladdaas sida hadalka loo dhigay.