Erdogan Oo Ka Jawaabay Hadalkii Ka Careysiiyay Ee Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

0
389

Erdogan Oo Ka Jawaabay Hadalkii Ka Careysiiyay Ee Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

Kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi uu isbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay “kali taliye” ugu dambeyn waxaa jawaab bixiyay Erdogan oo Mr Draghi ku eedeeyay inuu yahay nin “aan taxaddar lahayn”.
Hadalka Erdogan ayaa si weyn ugu dhex faafay dadka Talyaaniga, waxaana uu qabsaday hadal-heynta guud ahaan shacabka.

BBC-da laanteeda luqadda Turkiga ayaa xafiiska warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga weydiisay inay soo saarayaan bayaan ku saabsan eedeymaha lagu faafiyay warbaahinta Turkiga iyo waliba jawaabta uu bixiyay Erdogan. Hase yeeshee mas’uul ka tirsan dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in aysan arrintan wax war ah ka bixineynin.

Qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Talyaaniga ayaa qoray in xiisaddan socotay isbuuca la isku dayay in lagu xalliyo qaab diblomaasiyadeed, laakiin Ra’iisul Wasaare Draghi uu diiday soo jeedin looga codsaday “inuu wax saxo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here