Erdogan oo dib u doorashadisii ka dib socdaalkii ugu horeeyey ku tagaya dibeda

0
137

Erdogan oo dib u doorashadisii ka dib socdaalkii ugu horeeyey ku tagaya dibeda

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan oo dhawaan dib loo doortay ayaa la filayaa inuu Maalinta Isniinta oo ku beegan bishan June 12-da uu u ambabaxo Safarkiisa Koowaad ee Dibedda.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalkaasi Lugta Koowaad ee safarkiisa waxa uu ku tegi doonaa Jesiiradda Kala-qeybsan ee Qubrus, gaar ahaan Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus oo ay degan yihiin Muwaadiniin asalkooda Turkish yahay.

Waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa Waqooyiga Qubrus, Ersin Tatar iyo RW Ünal Üstel

Labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan Qorshooyinkooda ku aadan Qaddiyada Jesiirada Qubrus iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Bariga Badda Mediterranean Sea.

Erdoğan ayaa sidoo kale waxa u qorshaysan inuu Maalinta Talaadada June 13 u safro dalka Azerbaijan, isagoo la kulmi doona dhigiisa dalkaasi, Ilham Aliyev, iyadoo labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here