Duulimaadyadii Somaliya Iyo Kenya Oo Maanta Dib U Bilaambay Muddo Bil Ah Ka Dib

0
299

Duulimaadyadii Somaliya Iyo Kenya Oo Maanta Dib U Bilaambay Muddo Bil Ah Ka Dib

Duulimaadyadii diyaaradeed ee tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Maanta Axad ah dib u bilowday, kadib markii muddo bil ah ay xayirnaayeen safarada labada dal.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii lasoo dhaafay ee May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in Maanta diyaarado ka tega Muqdisho ay gaaraan Nairobi.

Tilaabadan ayaa waxaa ku farxay ganacsata Soomaalida ee diyaaradaha ee Magaalada Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu Ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn.

Inta uu hakad ku jiray duulimaadyadii tooska ahaa ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa saameyn xoog leh uu ku yeeshay dadka u socdaala labada dal, waxaana qiimo koror uu ku yimid lacagta lagu raaco diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here