Duufaan gaysatay dhimasho & burbur oo ku dhufatay Taiwan

0
69

Duufaan gaysatay dhimasho & burbur oo ku dhufatay Taiwan

Ugu yaraan 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kaddib markii duufaan xooggan ay ku dhufatay Taiwan, waxaa ka dhalatay cabsi soo wajahday dadka ku nool deegaannada ku dhow dhulkaas duufaantu saamaysay sida ay sheegeen ilo kala deegaanka ah.

 

Kooxaha Taiwan u qaabilsan kahortagga dhibaatooyinka ka dhasha duufaannada iyo dhul-gariirka ayaa sheegay in gurmadkoodu uu hakad galay muddo kooban sabab la xiriirta xaaladda oo aad u adkayd sida ay ku warrameen.

 

Duufaantaan ayaa horay usoo martay Koofurta Dalka Shiinaha waxa ay saamayn taban ku reebtay Philippines, Hong Kong & meelo kale oo kamid ah dhul weynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha waxaa lagu waayay in ka badan 120 qof.