Duqeymo ay Maraykanku ka fuliyeen Yemen oo sababay dhimasho iyo dhaawac
Wasaaradda Caafimaadka Yemen ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay ku dileen ugu yaraan afar qof caasimadda Sanca.
Weeraradaas ayaa lala beegsaday guri ku yaalla magaalada, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan afar dumar iyo carruur ah, sida laga soo xigtay ilo deegaanka ah.
Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa saddex duqeyn kale ku qaaday deegaanka Al Jabal al Aswad ee degmada Bani Matar, oo dhanka galbeed kaga beegan caasimadda. Lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeyn Mareykanku fuliyay xalay ay ku dileen ugu yaraan laba qof gobolka Saacda, oo ah xarun muhiim u ah Xuutiyiinta, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Telefishinka Al-Masirah oo ay leeyihiin Xuutiyiinta ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya dhismo laba dabaq ah oo si buuxda u dumay kadib duqeyn cirka ah.
Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha uu ka fulinayo gudaha Yemen, isaga oo sheegay in ay ku dadaalayaan baabi’inta awoodda Xuutiyiinta Yemen.