Dowladda Ukraine Oo Sheegtay In Qabatay Sarkaal Saaxiib La Ah Madaxweynaha Ruushka

0
340

Dowladda Ukraine Oo Sheegtay In Qabatay Sarkaal Saaxiib La Ah Madaxweynaha Ruushka

War kasoo baxay Dowladda Ukraine ayaa lagu sheegay in xabsiga loo taxaabay siyaasi u dhashay dalxaas oo xulafo la ah dowladda Ruushka, kaas oo baxsad ahaa in muddo ah.

Viktor Medvedchuk, ayaa loo arkayay saaxiibka ugu dhow madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ee ku sugan gudaha Ukraine.

Taliska laanta amniga Ukraine ee magaceeda loo soo gaabiyo SBU ayaa shaaciyay sawirka qof lagu tilmaamay inuu yahay Mr Medvedchuk oo gacmaha ka katiinadaysan, kuna labisan dirayska ciidanka militeriga Ukraine.

Ninkan ayaa markii hore ku jiray xabsi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kyiv isagoo lagu tuhunsanaa khiyaano qaran – balse waxa uu baxsaday islamarkii uu Ruushku dagaalka ku qaaday Ukraine, 24-kii bishii February.

Hase yeeshee Mr Medvedchuk, oo 67 jir ah, waxa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo khudbaddiisa habeenlaha ah u jeedinayay qaranka ku sheegay in uu oggol yahay in Mr Medvedchuk ay ku baddashaan wiilasha iyo gabdhaha reer Ukraine ee kadda gacanta ugu jira Ruushka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here