Dowladda UK oo Militariga ka codsatay Shaqo ay qabanayeen Ciidamada Booliiska hubka qaadan jiray.

0
198

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Ingiriiska iyo Booliiska gaarka ah ee Hubka qaata ayaa heer sare gaaray kaddib markii saraakiil katirsan Ciidankaas ay ku dhawaaqeen in ay shaqada joojiyeen maadaama xukun lagu riday askari katirsanaa oo dilay Qof madow ah sanadkii 2022.

Ciidankaan ayaa ka gadooday go’aanka xukunka dilka ah loogu riday Askariga iyaga oo joojiyay shaqadii qaran ay hayeen, Xukuumadda London ayaa Ciidamada Militariga ka codsatay in ay qabtaan shaqadaas bannaan.

Kiiskaan oo ah mid indhaha lagu wada hayay ayay dad badan oo kamid ah Bulshada Madow ay soo dhaweeyeen in xukun lagu rido askarigaas dilay Ninkaan lagu magacaabo Chris Kaba oo u dhintay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray toogashada lagu sameeyay.

Warbaahinta Gudaha Ingiriiska ayaa warbixinno kala duwan ka gudbisay khilaafka Dowladda Ingiriiska iyo Booliiska Hubka qaata ee arrinta askariga loo xukumay in uu toogtay Ninkaan Madow ee kasoo jeeda Bulshada laga badan yahay.

Toogashada Chris Kaba ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo inteeda badan lagu dalbanayay in uu caddaalad helo, ugu dambeyn waxaa maxkamad lasoo taagay askarigii falkaas sameeyey oo xukun lagu riday, waxaa soo dhaweeyay xubno katirsan ehelka ninkaas horay loo dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here