Dowladda Itoobiya Oo Gaartay Go’aan Halis Ku Ah Suudaan

0
322

Dowladda Itoobiya Oo Gaartay Go’aan Halis Ku Ah Suudaan

Xukuumadda Suudan ayaa sheegtay in go’aanka ay Itoobiya keligeed ku gaaray in ay buuxiso harada biyo-xireenka Niil halis ku yahay nabadgelyadeeda qaranka”.

Wasiirka biyaha iyo waraabka, Yaasir Cabbaas, oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ugu baaqay Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafa u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ay isku hayaan arinta biyo-xidheenka.

Itoobiya ayaa bilowday sannadkii hore buuxinta harada biyo-xireenka in kasta oo ay Masar iyo Sudan ka dalbadeen in aanay arintaa ku dhaqaaqin ilaa inta saddexda dhinac ay marka hore heshiis ka gaadhayaan arinta.

Cabbaas ayaa ka digay in ay Itoobiya tallaabadaa ku dhaqaaqo oo ay bilowdo bisha Juulaay ee soo socota “arintaasi waxay halis gelin doontaa nolosha kala bar dadka ku nool bartamaha Sudan iyo sidoo kale saamayn taban oo ay ku yeelan doonto wax soo saarka beeraha iyo kooraanka” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here