Dowladda Iiraan Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Israa’iil

0
323

Dowladda Iiraan Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Israa’iil

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu ka aargudan doono weerrar lagu soo qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo, arrintaas oo uu ku eedeeyay Israa’iil.

Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in xarunta lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz ay bartilmaameed u aheyd argagixiso nukliyeer” oo dhacday Axaddii, kaddib markii la soo tabiyay in korantadii ay tagtay.

Waxaa halkaas laga howlgaliyay qalab cusub oo lagu kobcinayo uranium-ta.

Israa’iil ayaanan weli wax war ah umuurtaasi ka soo saarin, hasayeeshee warbaahin ayaa waxa ay soo xigatay ila wareedyo sirdoon oo sheegaya in howlgalka ay u filyeen waaxda internetka ee sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here