Dowladda Hindiya: “In ka badan kun Hindi ah oo qaarkood gacmaha ka xiran yihiin ayaa laga soo masaafuriyay Mareykanka”

0
49

Dowladda Hindiya: “In ka badan kun Hindi ah oo qaarkood gacmaha ka xiran yihiin ayaa laga soo masaafuriyay Mareykanka”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in in ka badan kun muwaadiniin Hindi ah ay ku soo laabteen ama laga masaafuriyey dalka Maraykanka tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.

 

Afhayeenka wasaaradda, Randhir Jaiswal, ayaa sheegay in ku dhowaad 62% dadkaasi ay ku soo laabteen diyaarado ganacsi, inkastoo uusan faahfaahin intaas ka badan bixin.

 

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo madaxweyne Donald Trump uu markale xooga saarayo ololelaha ka dhanka ah muhaajiriinta sharci darrada ah ee ku sugan gudaha Mareykanka.

 

Bishii Febraayo, dowladda Mareykanka ayaa in ka badan 100 muwaadiniin Hindi ah ku soo celisay diyaarad ciidan oo militari, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii la masaafuriyey ay xiranayeen silsilado iyo xabkaha gacmaha lagu xiro.

 

Afhayeen Jaiswal ayaa ku adkaystay in labada dal ay leeyihiin iskaashi dhow oo dhinaca socdaalka ah”, isagoo intaa ku daray in Hindiya mar kasta hubiso jinsiyadda qofka ka hor inta aysan aqbalin in ay dib u qaadato muwaadiniinteeda.

 

Warbixinno horay u soo baxay ayaa muujinaya in Mareykanku uu aqoonsaday ku dhowaad 18,000 muwaadiniin Hindi ah oo la tuhunsan yahay inay si sharci darro ah ku galeen dalkaasi.