Dowladda Afghanistan oo Mamnuucday Daaqadaha Guryaha Si Aan Loo Arag Dumarka
Dowladda Taliban ee madaxda ka ah Afghanistan, oo ku caanbaxday soo saarista amarro isdaba joog ah oo dumarka khuseeya, ayaa go’aamisay in la awdo daaqadaha dhismayaasha ku yaalla xaafadaha shacabku deggan yihiin si raggu aanay u arag dumarka bilaa xijaabka ah.
Dowladda ayaa amartay in dhismayaasha dhaadheer ee xaafadaha ku yaalla aan hadda kadib loo samayn daaqado cusub, kuwa hadda daaqadaha lehna la awdo, si raggu aanay korka uga soo arag dumarka guryaha jooga.