Dowladaha Soomaaliya & Masar oo wada saxiixday heshiisa dhanka Bankiyada

0
485

Dowladaha Soomaaliya & Masar oo wada saxiixday heshiisa dhanka Bankiyada.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasibad heshiis is-af-garad ah (MoU) ku kala saxiixdeen Bankiga Dhexe ee Soomaalya iyo kan Masar.

Heshiiska is af-garadka ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi iyadoo ay kor u qaadi doonto dib u dhiska Bangiga Dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa booqday Xarunta Safaaradda JFS ee Masar waxaana kuso dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Guddoomiyaha oo safar shaqo u joooga Masar ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyadda ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda iyo waxqabadka muuqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here