Dowlada Somaliya War Ka Soo Saartay Duulimaayada Ay Ethiopia Airline Ku Timaado Magaalada Hargaysa
Diyaaradda Ethiopia Airline ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay madaxa banaanida Soomaaliya, kadib markii shalay ay ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa xili ay dowladda Soomaaliya joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegy in diyaaradda Ethiopia Airline ee ka degtay garoonka Hargeysa, iyadoo duulimaadka caalamiga ah ka xayiranyahay dalka ay uga degtay ogolaansho ay siisay dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in dalka uu leeyahay sharuuc la raabo, isla markaana diyaaradda Ethiopa Airline ay Hargeysa uga degtay ogolaansho ay siisay dowladda Soomaaliya.
“Sida aad la socotaan Wadanku waxaa uu leeyahay sharuuc shuruucdaasina wadanka oo dhan ayay qabataa diyaaradda Ethiopa Airline Hargeysa iyo meelaha kale ee ay ka dageyso waxay ogolaansho uga haysataa dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Oomaar.
Xukuumadda Soomaaliland ayaa dhawaan sheegtay in hawadeeda ay iyadu maamusho oo aysan jirin cid kale oo la maamusha, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku eedeeysay in khal-khal gelin ku wado Hawada Somaliland.