Dowlada Somaliya Oo Shaacisay Wakhtiga Dib Loo Furayo Duulimaadyada Somaliya

0
512

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay Wakhtiga Dib Loo Furayo Duulimaadyada Somaliya

Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Dulles International Airport ee waqooyiga gobolka Virginia ka dagay diyaarad siday qeyb ka mid ah dad shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo heysta dhalashada Mareykanka, Canada iyo qeybo Yurub ah.

Dadkaasi oo Soomaali ah balse heysta dhalashada dalal kale ayaa Soomaaliya waxaa looga qaaday sababo la xiriira Cudurka Covid 19 oo loo joojiyay duulimaadyada Soomaaliya.
Diyaaraddaas ayaa aheyd mid gaar ah, waxaana weli xayiraad ay saaran tahay duulimaadyadii Soomaaliya, oo dowladda ay u joojisay xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Maareeye ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho Saacid Cabdi Celiye ayaa sheegay in ay jeel yihiin inay duulimaadyada furaan,balse ay ku xiran yihiin xaaladaha Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay socdaan dadaalo aduunka ka socda oo la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19,hayeeshee ay suurtagal tahay in garoonka la furo Bisha July,isla markaana dadka kasoo degaya garoonka ay awood u yeeshaan in la baaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here