Dowlada Mareykanka oo qiratay in Dad shacab ah uu ku dilay Duqeyn diyaaradeed
Mareykanka ayaa haatan qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah.
Baaritaan ayaa lagu ogaaday in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.
Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya.
Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah ku raad joogay gaariga uu watay ninkaasi, iyagoo rumeysnaa in uu xiriir la lahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan.
Duqeyntaasi ayaa ahayd falkii ugu dambeysay ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistaan, ka hor inta aysan soo afjarin howlgalkooga milatari ee ay ka wadeen gudaha dalkaasi muddo 20 sano ah.
Baaritaan uu sameeyay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu ogaaday in baabuurka ninkaasi samafalka ka shaqeynayay lagu arkay goob lagu tuhmayay kooxdaasi Dowladda Islaamka ee Khorasan iyo in dhaqdhaqaaqiisa uu la tuhun geliyay sirdoonka oo la socday qorshayaashe la sheegay in kooxdaasi ay damacsan tahay in ay weerar ku qaado garoonka diyaaradaha ee Kaabuul.