Dowlada Gabon oo warsaxafadeed rasmi ah ka soo saartay Afganbigii Fashilmay

0
530

Dowlada Gabon oo warsaxafadeed rasmi ah ka soo saartay Afganbigii Fashilmay

Dowlada Gabon ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo kadib markii saraakiil ka tirsan milatariga ay Raadiyaha dowlada ka sheegeen in uu dhamaaday xukunka 50-sano ah ee qoyska madaxweyne Cali Bongo.

Afhayeenka xukuumada Bertrand Mapangou, ayaa ku dhawaaqay in la dilay la tuhmayaashii ka danbeeyay falkaan kadib markii ciidanka dowlada ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta xarunta raadiyaha dowlada.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa la xanuunsanaya cudurka dhiig karka waxaana uu ku xanuunsaday bishii October ee sanadkii la soo dhaafay boqortooyada sacuudiga oo booqasho ku tagay.

Askartaan qabsaday idaacada dowlada ayaa ugu baaqay shaqaalaha wasaarada warfaafinta in ay is dhiibaan,iyaga oo dhanka kale shacabka ku booriyay in ay dibada u soo baxaan.

Balse saraakiisha amniga ayaa isku gadaamay dhismaha raadiyaha waxaana ay halkaasi ku dileen madaxii hogaaminayay mucaaradka iyo laba askari oo la socotay waxaana la badbaadiyay wariye yaashii ku sugnaa goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here