Dowlad Kaamirooyin ku xirtay Goobaha bulshada si loo ogaado Haweenka aan xijaabka xiran

0
206

Dowlad Kaamirooyin ku xirtay Goobaha bulshada si loo ogaado Haweenka aan xijaabka xiran

Dowladda Iran ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto haweenka aan xijaabka xiran ee kunool gudaha dalkaasi, waxa ayna dowladda qaaday tallaabooyin hor leh oo lagu ogaanayo haweenka aan xijaabneyn ee magaalooyinka socda.

Xukuumadda Iran ayaa amartay in kaamirooyinka loo yaqaan CCTV lagu xiro goobaha muhiimka ah ee bulshada isugu timaado si loo ogaado loona aqoonsado haweenka xijaabka xirneyn ee goobahaasi taga.

War kasoo baxay booliiska Iran ayaa lagu sheegay in digniin marka hore loo diri doono haweenka aan xijaabka xirneyn ee lagu arko goobaha bulshada, waxa ayna intaa ku dareen in digniinta kaddib booliiska qaadi doonaan tallaabooyin kale oo adag.

Dowladda Iran ayaana kaamirooyinka ay waddooyinka ku xireyso uga gon leh hirgelinta sharci adag oo looga hortagayo haweenka kasoo horjeeda in jirkooda asturaan oo xirtaan xijaabka.

Dalka Iran waxaa sannadkii hore ka dhacay dibad baxyo dhaliyay khasaaro badan , kaa oo ka dhashay markii gacanta booliiska ku geeriyootay haweeney loo xiray in aysan xijaabneyn, waxa ayna taasi dhalisay carro badan oo bulshada ka timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here