Doorashada Madaxweynaha Galmudug Iyo Ku-Xigeenka Oo Maanta Dhaceysa
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen.
Qabanqaabadii ugu dambeeysay ee Doorashada ayaa saakay siweyn looga dareemayaa Dhuusamareeb, waxaana socda kulamo xasaasi ah oo halkaas ay ka wadaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenada.
Xarunta Shiirkole ee Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wadaa in saacadah soo socda ay rasmi ah uga dhacdo Doorashada, waxaana xaruntaas amnigeeda lagu wareejiyay Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM.
Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.
Sidoo kale xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa u sharaxan ilaa iyo 5 Musharax, kuwaasi oo kala ah Axmed Yuusug Warsame (Taajir), Cali Daahir Ciid, Saadaq C/llaahi Xaashi, C/qani Shiikh Cali Diini iyo Maxamed Xaashi Carabey.
Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in saakay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ay ka jiray Magaalada la hakiyay, waxaana waddooyinka la dhigay Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda.
Waxaa gebi ahaan saakay la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Xarunta ka socda diyaar garoow aad u xoogan.
Dhinaca kale Sheekh Shaakir ayaa Digniin Culus kasoo saaray Doorashada Maanta la filayo inay dhacdo, waxaana uu sheegay Sheekh Shaakir in dowladda ay Mas’uuliyada qaadi doono wixii fowdo ah ee Maanta ka dhaca Dhuusamareeb.
Si kastaba Jawiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay waxaa uu yahay mid siweyn looga dareemayo Doorashada, waxaana halkaas ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo goobjoog ka noqonaya Doorashada.