Dooni Tahriibayaal Ay Saarnaayeen Oo Ku Qarqoontay Badda Liibiya Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay

0
412

Dooni Tahriibayaal Ay Saarnaayeen Oo Ku Qarqoontay Badda Liibiya Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay

Lix qof oo mayd ah ayaa la helay, sagaal iyo labaan kalena waa la la’yahay, kuwaas oo loo malaynayo inay dhinteen, ka dib markii doontii ay la socdeen kula dagtay xeebaha Liibiya.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada qadiimiga ah ee xeebta Sabratha. Waxaa loo malaynayaa in dadka doonida ku le’day ay doonayeen inay u tallaabaan Yurub.

Afhayeen u hadlay IOM ayaa intaa ku daray in sannadkan oo keliya ku dhawaad shan boqol oo muhaajiriin ah ay dhinteen iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, ugu yaraan 53 qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen ama loo malaynayo inay ku dhinteen xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay IOM.

Horaantii bishana, in ka badan 90 qof oo la socday doon buux-dhaaftay ayaa ku qaraqmay badda Mediterranean-ka, maalmo kadib markii ay ka tageen Liibiya, sida ay sheegtay kooxda gargaarka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.

Liibiya waxaa ragaadiyay colaado iyo qalalaase tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraa ee dalkaas, Mucamar Al-Qadaafi sannadka markuu ahaa 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here