Donald Trump oo guulo waa weyn ka gaaray doorashooyin ka dhacay dalka Mareykanka

0
53

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale qarka u saaran in uu noqdo musharaxa xidbiga Jamhuuriga ku matalaya doorashada dabayaaqada sannadkan ka dhaceysa dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa ku guuleestay doorashooyin ka dhacay dhowr magaalo uu ugu tartamayay in uu noqdo musharaxa xisbigiisa matelaya, waxa uuna doorashooyinkaasi kaga adkaaday musharaxiintii kale ee la tartantay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashooyinka ka dhacay gobolada Missouri, Michigan iyo Idaho, waxaana kaliya u harsan dhowr gobol kale in guulo ka gaaro si doorashada ugu matelo xidbigiisa.

Doorashada socota haddii uu Trump kusoo baxo waxa uu doorashada guud ku mateli doonaa xisbiga Jamhuuriga, waxa uuna xilka madaxweynaha Mareykanka kula tartami doonaa madaxweynaha talada dalka hadda haya ee Joe Biden oo mar kale tartamaya.