Diyaaraddii ugu horreysay oo uu soosaaray Shiinaha oo duushay.

0
144

Diyaaraddii ugu horreysay oo uu soosaaray Shiinaha oo duushay.

Diyaaraddii ugu horreysay ee lagu sameeyay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa sameysay duullimaad iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda dalkaas iyo qaar kamid ah shakhsiyaadka caanka ah.

Teleefishinka Dowladda ayaa laga baahiyay in diyaaradda C919 oo ka duuleysa Shanghai iyada oo ay kusii jeedday Magaalada Beijing Caasimadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha si loo arko awoodda diyaaraddaan.

Shirkadda Ganacsiga ee Comac ayaa ka dambeysay rumeynta rejadaan muddada dheer Dowladda Shiinaha ay damacsaneen in la helo qof ku dhiirrada si uu dalkaan wax ula qaybsado waddamada ay tartanka kuwada jiraan.

Waxa ay ka kooban tahay 164 kursi oo la micno ah in ay raaci karaan qaadka tiradaas balse waxaa jirta rejo kale oo ay muujinayaan dadkii sameeyay oo ah in la kordhiyo tirada rakaabka iyada oo lagu saleynayo qaacidada lagu sameeyo.

Inkasta oo qalabka lagu sameeyay diyaaradda C919 laga keenay dibadda laakiin waxa ay shirkaddaan niyadda ku heysaa in ay raadiso xal ay uga maarmi karto qalabkaas si ay u farsameysato kuwa ay heli karto.

Mas’uuliyiinta Shirkadda sameysay diyaaradda Shiinaha uu yeeshay ayaa sheegay in ay damacsan yihiin in ay suuqa ka saaraan shirkadaha kale ee Airbus & Boeing oo muddo dheer u xiran suuqaan keliya iyaga laga soo iibsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here