Diyaarad sida daawo iyo dhaqaatiir dowladda Turkiga soo dirtay oo soo gaartay Muqdisho

0
460

Diyaarad sida daawo iyo dhaqaatiir dowladda Turkiga soo dirtay oo soo gaartay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa diyaarad sida dhaqaatiir iyo daawo u soo dirtay magaalada Muqdisho, kaasoo ah gurmadkii ugu horeeyay ee loogu tala galay dadkii ay dhaawacyada daran ka soo gaareen qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Diyaaraddan oo ah nooca milateriga ayaa leh qalab caadimaad, waxaana saaka soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in diyaaradan ay sido daawooyin iyo dhaqaatiir, isagoo xusay in sidoo kale diyaaradda ay qaadi doonto dadka xaaladooda wax looga qaban waayo Muqdisho ee dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah Guddi dowladda u saartay gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxa ayaa sheegay in diyaaradan ay siday daawooyin ay dowladda Turkiga ugu tala gashay in lagula tacaalo dadka qaba dhaawacyada.

Qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhow boqol ruux, halka boqol ka badan ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here