Dhibaatooyinka ay Shaqo la’aantu ku heyso dhalinyarada Soomaaliyeed
Waxaa heerkii ugu sarreeyay maraya dhibaatooyinka ka dhasha shaqo la’aanta ee heysta dhalinyarada Soomaaliyeed, sida lagu soo bandhigay daraasad cusub oo ay sameysay hay’adda Somali Public Agenda (SPA), oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Hay’adda SPA oo ka shaqeysa cilmibaarista arrimaha jaangoynta iyo maareynta siyaasadaha dalka Soomaaliya ayaa iyadoo hay’ado kale soo xiganeysa sheegtay dhalinyarada Soomaaliyeed ay si gaar ah u saameeyaan caqabadaha la xiriira shaqo la’aanta.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaa u badan dhalinyaro. Hay’adaha dowladda oo ay awooddoodu yartahay, amni xumo, kaabayaashii oo burbursan, iyo fursado badan oo shaqo oo aanan jirin ayaa ka dhigay dhalinyaro badan kuwo shaqo la’aan ah ama ku shaqeeya xaalado adag. Fursadaha shaqo waa ay yar yihiin, xulashada shaqaalahana tartan furan kuma saleysna”, ayaa lagu yidhi daraasadda.
Waxay aqoonyahannada daraasaddan sameeyay sheegeen in bilihii Janaayo iyo Febraayo ee sanadkan 2019-ka ay la hadleen 18 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo isugu jiray weriyayaal, dhaqaatiir, arday jaamacadeed, cilmibaarayaal, qareenno, iyo dhalinyaro shaqo la’aan ah oo dhammaantood ku sugnaa Muqdisho.
Cilmi baaristan ayaa si guud loogu eegay bulshada ku nool dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, kuwaasoo ay hay’addan sheegtay in tiradoodu ay si xowli ah u sii kordheyso, marka la barbar dhigo gobollada kale ee qaaradda.
Waxaa hordhaca qormada ku saabsan cilmi baaristan lagu yidhi: “Qiyaastii kala bar dadka ku nool Afrikada ka hooseysa Saxaraha waxa ay da’doodu ka yar tahay 25 sano. Inkastoo wax-soosaarka gudaha uu si tartiib ah u korayo, hadana dhalinyaro badan ee ku nool Afrika kuma qanacsana horumarka dhaqaale sababtoo ah kobaca dalal badan waxa uu ka yimaadaa shidaalka, saliidda iyo macdanta kuwaasoo aanan u baahneyn in dhalinyaro badan ka shaqeyso, taasoo ka dhigeyso dhalinyaro badan kuwo shaqo la’aan ah”.
Xogaha lagu soo bandhigay cilmi baaristan waxaa ka mid ah:-
– Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka Afrika ee ay dhalinyaradu u badan yihiin.
– Sida lagu muujiyay sahan ay sannadkii 2014-kii sameeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Tirakoobka, 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay da’doodu ka yar tahay 30 sano.
– In ka badan kala bar dadka (qiyaastii 6.3 malyan ama 52.4 boqolkiiba) ayaa ku jira da’da shaqada (oo ah da’da u dhexeysa 15-64 sano oo ah da’da dadka shaqeyn kara ama doonaya in ay shaqeeyaan).
– Dadka ugu badan (43.7 boqolkiiba) waxa ay ku nool yihiin Magaalooyinka.
– Si lamid ah inta badan dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, fursado shaqo oo aanan jirin ayaa ah mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya. Inta badan dadka ay saameyso shaqo la’aanta waa dhalinyaro.
Dadka Afrika oo ka cararaya dalalkooda
Daraasad ay dhawaan soo saartay hay’adda Afrobarometer ayaa lagu sheegay in guud ahaan dadka Afrikaanka ah ee ku nool qaaradda Afrika ay wajahaan caqabado dhinacyo kala duwan ah.
Saddexdii qof ee Afrikaan ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah am aka badan ay jeclaan lahaayeen iney ka tagaan dalkooda, si ay nolol wanaagsan u raadsadaan.
Sida lagu xusay daraasadda, dadka ugu badan ee ku hamiya inay ka tagaan dalalkooda ku yaalla Afrka ayaa ah dhalinyarada iyo dadka aqoonyahannada ah.
Sababaha keenay arrintan ayaa lagu sheegay in dadku ay doonayaan inay helaan sharci u fududeynaya inay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan dalalka kale ee caalamka, si ay uga helaan shaqooyin iyo mashaariic kala duwan.