Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Booqasho Ugu Horeeyay Ku Tagay Dalka Qatar

0
521

Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Booqasho Ugu Horeeyay Ku Tagay Dalka Qatar

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa Arbacadii gaaray dalka Qatar, taasoo qayb ka ah booqasho uu ku marayo dalalka Khaliijka, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago kaddib markii labada dhinac ay xiriirka u jareen afar sano ka hor.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa gabi ahaanba xidhiidhka u jaray Qatar bishii June 2017, iyaga oo ku andacoonaya in ay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah, aadna ugu dhowdahay Riyaad oo ay xafiiltamaan Tehran, eedaymaha Doha ayaa beenisay.

Laakiin xiriirka ayaa si buuxda u soo laabtay bishii Janaayo ka dib shir madaxeed taariikhi ah oo ka dhacay magaalada saxaraha ah ee Sacuudiga ee Al-Ula.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa qaabilay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, oo uu wada-hadal la yeelan doono, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan mowjado diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka gobolka, gaar ahaan Iran iyo Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkan ku sugnaa dalka Qatar, halkaasi oo uu ku joogay wadahadalo labo maalmood qaatay.

Ankara iyo Doha waxay noqdeen saaxiibo dhaqaale iyo siyaasadeed wakhti dambe, waxaana xukuumadda Erdogan ay si gaar ah u taageertay Doha intii lagu jiray qaadacaada Qadar ee Sucuudigu hoggaamiyo.

Turkiga oo ka soo kabanaya dhibaato dhaqaale oo hor leh, isla markaana doonaya maalgashi iyo ganacsi shisheeye, ayaa dadaal ugu jira dib u soo celinta xiriirkii uu la lahaa dalalka Khaliijka oo ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxa sido kale sanadkan soo ifbaxaya ifafaalo muujinaya in Sucuudiga iyo Iran ay wada-hadallo dhawr ah yeesheen tan iyo bishii April, ujeedaduna tahay in la wanaajiyo xidhiidhka labada dal.

Xiisada u dhaxeysa Ankara iyo Riyadh ayaa cirka isku shareertay kadib dilkii 2018 saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here