Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Muqdisho

0
171

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay halka uu ku dhaawacmay Hal qof kadib shil gaari oo ka dhacay agagaarka Xarunta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga shilka gestay ayaa ahaa nuuca ay Soomaalida u tagaaq UD, waxaana la soo warinayaa in uu gaariga jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen saddex qof, oo laba ka mid ah ay yihiin rakaabka saarnaa Mootada halka qofka saddexaad uu ahaa Darwalka.

Laamaha Ammaanka ee ku sugan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay darawalka waday gaariga geystay shilka, kaas oo saarnaa Biraha atneendhooyinka mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu ka dhacay shilka ayaa innoo sheegay dadkii ku dhintay shilka in la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana sidoo kale qofkii ku dhaawacmay la geeyay mid ka mid xarumaha Caafimaad ee ku yaal Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay bahda Caafimaadka la tacaalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here