DFS Sheegtay In Guddiyada Jubbaland Iyo Puntland Ay Yihiin Kuwo Baal Marsan Hannaanka Sharciga
Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay guddiyadii ay soo magacaabeen maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana ay sheegtay in qaabka guddiga loo magacaabay ay baalmarsan tahay habraaca doorashooyinka.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan lasoo gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.
“Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta midkoona sooma gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Hoos ka aqriso Qoraalka