DFS oo Muqdisho ka soo dejisay 93 Muwaadin oo laga soo celiyay dalka Suudaan

0
143

DFS oo Muqdisho ka soo dejisay 93 Muwaadin oo laga soo celiyay dalka Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka soo dajisay 93 oo muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo laga soo samata bixiyay colaadda ka qaraxday Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dagaalamayaan hoggaanka Ciidamada dalkaas.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa muwaadiniinta ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay mas’uuliyad qaran howsha lagu soo daabulayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Suudaan.

Wasiir Abshir ayaa bogaadin iyo mahad neq u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka South Suudaan doorka ay ka qaateen soo dhaweynta Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dalka Suudaan, isaga oo ku amaanay kaalinta ay ku lahaayeen sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda Muwaadiniintaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaalo ay dalka dib ugu soo celineyso Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo saameyn ku yeeshay colaadda ka qaraxday dalka Suudaan, iyada oo Dowladda ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso in ka badan 1,000 qof oo u badan Ardey dalkaas wax ka baraneysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here