Denmark Oo Sharci Cusub Kasoo Saartay Qaxootiga Magangelyo-Doonka Ah

0
331

Denmark Oo Sharci Cusub Kasoo Saartay Qaxootiga Magangelyo-Doonka Ah

Xildhibaanada Barlamaanka dalkaasi waxay shalay u codeyeen qorshe ay Dowladda Denmark Xarun Qaxootiga lagu qaabilo uga dhisanayso dal saddexaad oo loo badinayo inuu yahay dal Afrikaan ah.

Sharcigaasi ayaa waxaa lagu ansixiyey Aqlabiyad dhan 70 Cod, halka ay 24 Xildhibaan ka soo horjeesteen Ansixintaasi.
Qaraarkaasi waxa uu dhigayaa in Qaxootiga ku sugan Denmark ee codsada Magangelyo in loo tarxiili doono dal kale oo Afrikaan, ilaa laga aqbalayo Codsigiisa.

Talllabadaasi ayaa noqon doona markii u horeysay ee dowladda Denmark ay Nidaamka Baarista Magangelyo-doonka u weeciso meel ka baxsan Qaaradda Europe.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Ururka Midowga Europe iyo dhowr Ururrada Caalamiga ayaa si kulul u naqadiyey Ansixintaasi, waxayna sheegeen inay wiiqayso Iskaashiga Calaamiga iyo Faahfaahin la’aanta sida loo dhowri doono Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Mattiyos Tesfaye waxa uu sheegay inay Dowladda Denmark u baahan tahay Jadwal Shaqo oo Sharci ag oo ku saabsan Nidaamka Cusub ee Magangelyo-doonka.

Waxa uu intaasi ku daray in Mucaaradka Midigta Dhexe ayaa taageerayo Xisbiga The Social Democratic ee Dowladda laga tirada badan yahay iyo inay ucodeeyaan Sharciga cusub ee la ansixiyey.

Bishii April ee sanadkan, Dowladda Denmark waxay sheegtay inay Heshiis Is-Faham la saxiixdeen dowladda Ruwanda oo ku aadan jadwalka shaqo ee Wada-xaajoodyada iyo Iskaashiga labada dal ee Arrimaha Qaxootiga.

Wargeyska Maalinlaha ee Jyllands-Posten waxa uu qoray inay Dowladda Denmark wada-xaajood kula jiraan Dowladaha Masar, Ethiopia iyo Tunisia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here